7 Habeenkii Seexo - Furaha Guusha Maalinta
Hurdadaada waxaad u ilaalisaa sidaad shay kastoo kugu qaaliya aad u ilaashato
Ayub Ahmed


Ha isticmaalin telefoonka waqti dheer ka hor hurdada
Baraha bulshada iyo muuqaalada badan ee aad daawato waxay maskaxda ka dhigaan mid jawi nasasho aan dhakhso u gelin, Shaashada Tv-ga ama telefoonka daawashadoodu waxay qofka ku adkeeyaan inuu dhakhso hurdo uga soo dhacdo.Ha cabin cabitaanno kafiin ku jiro fiidkii
Kafiintu waxay qofka ka siisaa firfircooni hor leh tasoo hurdada ka qaada qofka, waxaana laga yaabaa inay muddo dheer kugu qaadato inaad hurdo hesho saacadaha dambe ee maalinta laga bilaabo 2pm haddadan habeen shaqaynayn iska ilaali kafiin wuxuu ku jiro inaad afka saarto.Ha cunin cunto aad u culus ka hor hurdada
Cuntada aad cuntaa habeenkii goor dambe waxay keentaa inaadan hurdo fiican seexan subaxdiina adigoo daallan inaad soo kacdo, maxaa yeelay marka qofku cunto cuno oo isla markiiba seexdo jirku sariirta ayuu dul yaalla laakiin gudaha qaybta dheef shiidka iyo caloosha nasiino uma taal cuntadii aad cuntay ayey ka shaqaynaysaa midaas ayaana keenta inuu qofku kaco subaxdii isagoo dareeemaya sidii inuusan seexan xalay.Ha la seexan walwalka iyo fikirka badan
Haddii maskaxda mushkilado ku furan yihiin way adag tahay inay hurdo dhakhso kaaga soo dhacdo meeshii aad walwal iyo isla hadal aad la seexan lahayd nafta bar wax kastoo jiraba inay tasbiixsato waxaad is bartaa inaad tiraahdo سُبْحَانَ ٱللَّٰهِ ٱلْحَمْدُ لِلَّٰهِ اللَّهُ أَكْبَرُ insha Allah dhakhso ayeyna hurdo kaaga soo dhici doontaa.Ha ka dhigin sariirta goob shaqo ama wax lagu daawado
Qolka jiifka waxaa loogu talagalay ina la seexdo, lagu nasto, laguna raaxaysto hadaad ka dhigto xafiis ama tiyaatar hurdadu way ku yaraan, maskaxdu waa waxaa barto, hadii aad ku tarbiyeyso inay tahay meeshani goob hurdo markastoo qolka ay soo gasho dareen hurdo ayey gali, sidaa adigu barto ayey maskaxdu u shaqaysaa koobandiinka telefoonka ha saarine muraayada khaanadaha dharka saar Alarm-kana ku buuxso midigta u seexo tasbiixso hurdo macaan ayaad seexan doontaa.Bar nafta inay hal wakhti kacdo hal wakhtina seexato
Jadwalka hurdo ee joogtada ahi wuxuu qofka ka caawiyaa inuu jirka baro hal wado taasoo ah waxay maskaxda iyo jirkuba saadaalin karaan.hadaad hal asbuuc barto nafta inay seexato 9pm asbuuca ku xiga waxaaad arki adigoo hamaansanaya 8:30pm habeenkii bal adiguba tijaabi.
Ha gelin dood wakhtiga hurdada maskaxda degenaanteeda ayey qofka ka qasaan
Middan waxay aad u khusaysaa lamaaneyaasha si kastoo war kuu soo riixayo la sug ilaa waaberiga ama goor kaloo ay munaasab ku tahay, dhanka kale inaadan daawan waxyaabaha dareenka kiciya noocyadiisa kala duwan.dhowr baal oo Qur'aan ah sida suuratul Mulk ama Suuratul Waaqicah ku gunaanad maalintaas markaad sii seexanayso.
Haddii aad rabto subax firfircooni, farxad, degenaan ku bilaabanta habeenkii intaadan seexan saacada salaada subax ku buuxso si aad u tukato oo aysan kaaga tegin"
